Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 50aad Guutada 10aad Qeybta 43aad ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Howlgalka oo uu Hoggaaminaayay Abaanduulaha Guutada 10aad Gaashaanle dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax ayaa waxaa uu sheegay inay ku burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in goobaha howlgalka ay ka sameeyeen ay ahaayeen kuwa Al-Shabaab ay isku aruursanayeen, si ay dadka uga qaadaan Xoolo, hayeeshee ay ka hortageen, isla markaana khasaaro ay gaarsiiyeen
Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka socday gudaha degmada iyo daafaheeda howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.



