Dowladda Sri Lanka oo xirtay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka dhoofayay dalkaas

Muwaadiniin u dhashay dalka Iran iyo kuwa Soomaali ah oo isku dayay in ay dalka Sri Lanka kaga dhoofaan baasabooro been abuur ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay saraakiisha laanta socdaalka ee dalkaas.

Saraakiisha laanta socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee Bandaranaike ayaa xiray labadan muwaadin, iyagoo doonayay inay ka dhoofaan dalka Iiraan si ay u aadaan dalalka Faransiiska iyo Koonfur Afrika.

Saraakiisha laanta socdaalka ayaa baaritaan ku sameeyay baasaboorkooda, kadib markii ay uga shakiyeen inuu yahay mid been abuur ah, waxaana markii dambe la xiray labada eedaysane.

Eedeysanayaasha ayaa loo gudbiyay Waaxda Dembi-baarista, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Dalka Iiraan ayaa waxaa hadda ku xiran Soomaali aad u farabadan, kuwaas oo loo heysto falal ay kamid yihiin burcad baddeednimo, halka heshiis horay u dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo dowladda Iiraan lagu siidaayay Soomaali kale oo ku xirnaa Xabsiyada dalka Iiraan