Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in aysan berri Ciid aheyn

Dalka Sacuudiga  looga dhawaaqay in maalinta beri ah ay noqon doonto maalinta ugu dambeysay ee bisha Soonqaad, maaddaamma caawa bishii la waayey, sidaasi darteed Axadda ayaa la ciidi doonaa.

Sidoo kale Warbaahinta dalka Turkiga ayaa  soo tebisay in bishii Soonfur aan laga arkin dalkaasi, isla markaana maalinta berri la dhameystiri doono bisha Soonqaad.

Dalalka Indonesia, Malaysia, Philippines iyo Singapore ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la dhameystiri doono berri Soon.

Wasiirka diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur  Maxamed Xasan ayaa dhankiisa sheegay in maalinta berri aysan aheyn Ciid.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa xaqiijin qotodheer ka dib in berri oo Sabti ah aanay ahayn Ciid; sidaas darteed waxaa la dhamaystiraynaa Bisha Ramadaan” ayuu yiri Wasiir Sheekh Nuur.