Daawo:- Dowladda Soomaaliya oo ku jahwareersan xiisadda Beledweyne

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Beledweyne ka taagnaa xiisad ka dhalatay safar la sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu ku tagayo Magaaladaas, balse ay kasoo horjeesteen Ciidamo ka tirsan qeybta 27aad balse isku abaabulay hab beeleed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay xalka gaarista arrintaas iyo in Bulshada Magaalada Beledweyne lagu qanciyo in uu halkaasi tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe.

Halkan Ka Daawo Warbixinta & Wariye Aweys Bashiir.