Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qarixii ka dhacay Beyruut

Sii Hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa  khadka Taleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan, isaga oo uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay  qaraxii ka dhacay Magaalada Beyruut.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayaa Madaxda dalka lubnaan uga tacsiyadeeyay dadka khasaaraha kasoo gaaray qaraxa, isaga oo sheegay inay Soomaaliya garab taagan tahay.

Waaan  idinla murugeysanahay walaalaheenna Lubnaan, Quluubteenu waa idinla jiraan. Ilaahay ha u naxariistee kuwa ku dhintay qaraxan argagaxa leh.Samir iyo iimaan ha u yeelo qoysaskooda. Waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu bogsiiyo dadka dhaawaca ah ayuu yiri” Axmed Ciise Cawad.

Qaraxa ka dhacay Magaalada Beyrut ee Caasimadda dalka lubnaan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 78 qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay 4,000, waxaana weli socda la tacaalida dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.