Dowladda Soomaaliya oo faah faahisay sababta dalka looga saaray safiirka Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadatashi ugu yeertay Safiirkeeda u qaabilsan Kenya Amb, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, halka  Safiirka Kenya uga wakiilka ah Soomaaliya ku wargelisay in dalkiisa wadatashi ugu laabto

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah faahiyay sababaha keenay tallaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo gudanaysa waajibaadka ka saaran ilaalinta madax-bannaanida dalka, midnimada iyo wadajirka shacabkeeda Soomaaliyeed, kana xun faragelinta qaawan ee arrimaha gudaha dalkeenna ee ay caadeysatay Kenya taasoo dhibaato ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka,  waxay go’aansatay inay wadatshi ugu yeerato safiirkeeda u fadhiya Kenya, sidoo kale, Safiirka Kenya ee Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u muuqatay in Dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelinayso amuuraha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo cadaadis ku haysa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee Doorashooyinka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku gaareen Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dhaqamada Kenya waa kuwa ka baxsan curfiga diblomaasiyadeed ee dalal ay ka dhaxayso dano iyo darisnimo, waana dhaqan ka baxsan dhammaan axdiyada iyo heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamiga ah.

Sidaas darteed, waxaan latashi ugu yeernay Danjire Maxamed Axmed Nuur Tarzan, waxaana la farayaa Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo inuu dalkiisa wadatashi dib ugu laabto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in la soo faragaliyo ama lagu dhaqaaqo fal kasta oo wax u dhimaya madaxbanaanida iyo deganaashaha dalka.