Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar ay geysteen Ciidamada Israa’iil

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul waxaa ay uga hadashay weerar duqeyn ahaa oo Ciidamada Israa’iil ay ka geysteen Marinka Qasa ee Dhulka Reer Falastiin.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliyaa ayaa waxaa lagu cambaareeyay duweyn Ciidamada Israa’iil la beegsadeen xarunta hey’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Qasa.

” Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ciidamada gumeysiga Israaiil ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hey’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhismaha Isbitaalka Hamad bin Khalifa oo adeegyo caafimaad u fidinayay dadka naafada iyo kuwa baahida gaarka ah qaba, falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u cambaareeysay duqeymaha Ciidamada Israa’iil u geeysanayaan dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, iyada oo garab istaag u muujisay Shacabka Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Yahuuda.