Dowladda Somalia oo taageertey Go’aan kasoo baxey Wadamada Carbeed

War-saxaafadeed kasoo baxey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa taageero loogu muujiyey warkii kasoo baxey baaqa ka soo yeeray wadamada isbaheysiga carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo todobaad ah.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa baaqa ka soo yeeray wadamada isbaheysiga carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April, waxa ayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay carabaabaysaa taageerradeeda dhammaystiran ee dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, waxa ayna xaqiijinaysaa garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen.