Allaha u Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Cudurka Coronavirus ugu geeriyoodey Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow o ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.
Xildhibaanka oo sidoo kale ahaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda caafimaadka Hir-Shabeelle ayaa kamid ahaa 9 ruux oo maalin ka hor Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay in laga helay cudurka Coronavirus.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Risaala u xaqiijiyey geerida Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow o ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle,iyaga oo ka tacsiyadeeyey.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Jimcihii sheegay in Xildhibaanka maalma ka hor howlo karantiil ah lagu geliyey Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo sidoo kale kamid ahaa Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Jowhar waxaa uu ka qeyb galay Shirarka Golaha wasiirada Hir-Shabeelle iyo kuwo gaar gaar ah.



