Muuqaalo lagu qaaday satellite oo ay BBC-da heshay, ayaa muujinaya afar ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ruushka iyo weliba 20 gawaari waaweyn ah, oo ku gubanaya gudaha xero ciidanka cirka ay leeyihiin oo ku taalla bartamaha Suuriya.
Muuqaalka ayaa waxaa la duubay todobaadkii hore.
Shirkadda sirdoonka la shaqeysa ee Mareykanka laga leehaya ee Stratfor, ayaa sheegtay in ay u badan tahay in weerarkaasi uu geystay ururka isku magacaabay dowladda Islaamka, walow aanu sheegan.
Khubarada qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in dab saldhigaasi ka dhashay uu gaaray haan shidaal, taasoo ka dibna qaraxday.