Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed ayaa waxaa la sheegay inay Howlgal qorsheysan ka fuliyeen Buundada Bariire iyo tuulada Nuungare oo ka tirsan degaanka Bariire, kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 143Aad ee Xoogga Dalka dhamme Axmed Xasan siyaad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen buunda bariire iyo tuulada Nuungare lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu Magacaabi  jiray Siidow Nuur Abuu Muxsin iyo 18 ka Xubnood oo kale.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in Sarkaalka ;a dilay uu Al-shabaab u qaabilsanaa Xilka Jabhada Al-shabaab ee Gobolka Shabellada Hoose, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaan.