Akhriso:- Magacyada RW Rooble oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caawa waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo maalmihii la soo dhaafay laga sugaysay.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay ayaa u badan Xubnihii Golihii Wasiirada Kheyre, waxaana Golaha Wasiirada masoo muuqan oo laga tegay Wasiirada, Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xersi Warfaa.

Xubnaha ku Cusub Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale iyo Wasiirka Arriimaha Gudaha Janeraal Muqtaar Xusseen Afrax.

Hoos Ka Akhriso Magacayada Golaha Wasiirada