Fanaanadii Caanka aheyd ee Seynab Xaaji Cali Baxsan oo geeriyootay & DFS oo ka hadashay

Alle Ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanada Caanka aheyd ee Soomaaliyeed Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sanadihii la soo dhaafay ku xanuun saneysay Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah eheladda ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida, iyaga oo sheegay in bilihi ugu dambeeyay uu xanuunkeeda ahaa mid aad u daran ugu dambeena Galabta ay geeriyootay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble aaya uga tacsiyadeeyay qoyska iyo ehellada ay ka geeriyootay fanaanadii Caanka aheyd ee Seynab Xaaji Cali Baxsan.

“  Waxaan qoyskeeda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan).

AUN marxuumad Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii Dalka,dhismaha qarankeenna iyo nooleynta dhaqankeenna. Jannadii Firdows Allaha geeyo samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo