Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday Saldhigyo ku yaalla Jubbada Hoose

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed  Janeral Cabaas Amiin Cali iyo saraakiisha qeybta 43  ayaa maanta kormeer ku tagay furimaha hore ee aagaga waqooyiga gaar ahaan deegaanada Buula gaduud iyo Baarsanguuni ee Gobolka jubbada Hoose.

Taliyaha  ayaa   Ciidamada  ku bogaadiyay  shaqada ay qaranka u hayaan, waxuuna ka ballan Qaaday in agabka  ay u   baahan yihiin ay ka heli doonaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu kulamo la qaataan saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee degaannada Buula gaduud iyo Baarsanguuni, waxaana uu faray inay dar dar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.