Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 20 katirsan Al-Shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la so dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ka fuliyne degaanka Sabiid oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay ka warheleen Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku aruursanayay duleedka degaanka sabiid, isla markaana howlgalka looga dilay 20 dagaalame.

Guddoomiyaha degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Abuukar Axmed ayaa sheegay in Xubnaha Shabaab ee la dilay ay ahaayeen kuwo si dhuumaaleysi ah ku yimid duleedka degaanka Sabiid, isla markaana howlgalka sidii loo qorsheeyay uu u dhacay.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Al-Shabaab ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen dadka kunool degaanka Sabiid, hayeeshee Ciidamada dowladda ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan fal kasta oo ay geysan rabaan Al-Shabaab.