Dowladda oo sheegtay in duqeyn Caawa lala beegsaday Goob ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Al-Shabaab

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamka ay beegsadeen Goob ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo kutaalla Gobolka Jubbada Dhexe.

” Caawa Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox ka tirsan Al-Shabaab  ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo ah duqeyn lagu beegsaday goob uu shir uga socday Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay howlgalka iyo Khasaaraha cadowga gaaray.