Dowladda oo shaacisey Goobo uusan saameyn doonin Bandowga

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqdey in laga bilaabo 15 Bishan April Magaalada Muqdisho xilliyada habeenkii la gelinayo Bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo,hayeeshee aan saameyn doonin Goobaha qaar.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa sheegay in si loo yareeyo faafida Cudurka Coronavirus ay talaabadaasi u qaadeen balse uusan saameyn doonin dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Dadka Muqdisho ku nool ayuu ugu baaqey Taliye Xijaar inay u  hoggaan samaan Amarka kasoo baxey waxaa uu sidoo kale Ciidamada ugu baaqey inay si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka, kuwooda ugu liitana ay u fududeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen halka ay doonayaan.

Dadka kunool Magaalada Muqdisho weli kama hadlin sida ay u arkaan Bandowga xilliyada Habeenkii ah oo ay dowladda Soomaaliya kusoo rogtey Magaalada Muqdisho.