Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay Xilliga la qabaanayo caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay inXafladda caleemo saarka ay dhici doonto 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad qoraal kasoo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa lagu doortay doorasho magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacday sideeddii bishan.


