Dowladda oo qaadeysa tallaabo looga jawaabayo dhibaatadii ka dhacdey Walanweyn

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta Barqadii gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Xasan Cali Nuur Shuute  sida oo ay qeyb ka yihiin Garsoorayaal.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay haatan kulamo gaar gaar ah la leeyihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Walanweyn,iyaga oo kala hadlaya dilalkii ka dhacay Magaalada.

Xubnaha Wafdiga uu horkacayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa ay degmada Walanweyn u tageen sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen dilalkii arxan darrada ahaa ee dhawaan ka dhacey,iyaga oo bilaabi doona baaritaanada dad lala xiriirinayo dhacdooyinka.

Dagaalkii labada maleeshiyo beeleed ku dhexmarey degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu sababey in Gudaha degmada dad la dilo,kadibna meydkooda la gubo taas oo keentay in dowladda ay Ciidamo u dirto.