Dowladda oo lagu eedeeyay burburinta Nidaamka Faderaalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku howlantay burburinta Nidaamka Federaalka ee ay qaatay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in sharciga la ilaaliyo oo la dhowro Nidaamka ay ku heshiiyeen Umadda Soomaaliyeed ,kaasoo dhismihiiso waqti dheer qaatay.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato weyn iyo burburin ku heyso maamul goboleedyadda, ay doonayso in ay meesha ka saarto Nidaamka Federaalka ah.

Shariif Xasan ayaa soo jeediyay hadii la doonaayo in laga tanaasulo Nidaamka Federaalka in laga fadhiisto oo Umada Soomaaliyeed laga qaado Afti dadweyne.

Hadalka Shariif Xasan ayaa yimid xilli uu xoogeystay Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda.

Maamulada ayaa kulamo ay yeesheen Muddo la jeer ah ku dhawaaqay in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe Soomaaliya.