Dowladda oo lacag ugu deeqday Garoonka kubadda Cagta Dr Waaberi

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku sugan degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Garoonka Paskid Polka Degmada Xudur.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa,xubnaha ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha,Madaxweynaha Koonfru Galbeed,,Mas’uuliyiinta Maamulada degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool,Ciyaartoyda degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Raisul Wasaaraha Somaaliya  Xasan Cali kheyre ayaa Shacabka Reer Xudur ku amaanay sida Wanaagsan ee ay uga Shaqeyeen Ammaanka ,waxaana uu tilaamay Degmada Xudur in laga fulin Doono Mashaariic Hormarineed Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ay iska kaashan Doonaan,isaga oo lacag dhan 150 kun oo Dollar ugu Deeqay Maamulka Sportska Degmada Xudur kaasi oo Dib u dayactir loogu Samaynayo Garoonka kubadda Cagta Dr Waaberi ee Degmadaasi Xudur.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Shacabka Degmada Xudur ku Amaanay sida Marwaliba ay ugu Hogaansan yihiin Jacaylka Nidaamka Dowladeed,waxaana uu sheegey in Degmada Xudur ay noqon Doonto Degmada Ugu Fiican Koonfur Galbeed.