Dowladda oo sheegtay xilliga la shaacinayo natiijada Imtixaanka Shahaadiga

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Dr C/qaadir Cabdi Xaashi ayaa maanta kormeeray goobaha lagu saxayo imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkaan ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Labo isbuuc kadib ay ku dhawaaqi doonto natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkaan ay qaaday dowlada Soomaaliya.

Dr C/qaadir Cabdi Xaashi Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa la dar daarmay macalimiinta saxaya imtixaanaadka, waxaana uu u jeediyey in ay u asxaan falaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan nasiibka u yeeshay in ay ka qeyb galaan imtixaanka ay qaaday dowlada Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ku howlan horumarinta Waxbarashada dalka, iyadoo Mas’uuliyiinta wasaaradu ay wadaan dadaalo arintaasi ku aadan.