Dowladda oo beenisay kulanka Qatar ee Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirka waasaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar  Dubbe ayaa beeniyay in dhawaan ay Qatar ku kulmi doonaan Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhamaaday ee Soomaliya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay wasiir Dubbe in kulankaasi uusan jirin, islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan gorgortan ka gali doonin muranka badda ee ka dhaxeeya dowladda Kenya.

Waxaa uu sheegay in ay sugayaan go’aanka Maxkamadda oo dhawaan lasoo gagabeeyay, islamarkaana hadda natiijada oo kaliyah la sugaayo.

“Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar.”ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda”