Dowladda oo soo bandhigaysa Baaritaano horudhac ah Qaraxii Zoobe

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in caawa Fiidkii lasoo bandhigi doono baaritaano horudhac ah oo laga sameeyay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii Bishaan .

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in caawa lasoo bandhigi doono Baaritaano horudhac ah.

Waxaa uu sheegay in baaritaanadaasi ay sameeyeen Hay’addaha Amniga dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay gurmad iyo sidoo kale baaritaano isbarbar socda oo ku Aadan Qaraxii Zoobe.

Qaraxii ka dhacay Muqdisho 14-kii Bishaan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 300 oo qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 400 qof, waxaana wali socda Gurmadka dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxaasi.