Dowladda Masar oo balan qaad Cusub u sameeysay dowladda Soomaaliya

 

KULANAK WASIIRADA WAXBARASHADA SOOMAALIYA IYO MASAR

Wasaaradda Waxbarashada dalka Masar ayaa la ballan qaaday in kordhin doonto deeqaha waxbarsho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed kadib kulan magaalada Qaahira ku dhexmaray Wasiirka Waxbarashada DFS C/laahi Abiikar Xaaji (Carab) iyo Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Taarekh Shawky.

Dowladda Masar ayaa waxa ay Soomaaliya la laheyd xiriir waxbarsho oo Aad u qoto dheer ,waxana barismaadkii tan iyo lixdanaadkii Soomaaliya sanad walba imaan jiray macallimiin Masaari ah oo wax ka dhigi jiray dugsyada dalka .

Dugsiga Allahi ayaa ka mid ah dugsiyada ay caanka ku ahaayeen Masaarida kaas oo ay ka aflaxeen dad badan oo maanta magac iyo maqaam sare ku leh mujtamaca Soomaaliyeed.