Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan ku yeesheen magaalada Alamein ee dalka Masar, kaas oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga gobolka, Badda Cas, Webiga Nile iyo xaaladda Suudaan.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Itoobiya ay mar walba diyaar u tahay ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimada dhulkeeda iyo danaha qarankeeda ee muhiimka ah.

 

Addis Ababa ayaa sidoo kale xoogga saartay muhiimadda Webiga Abay, iyadoo sheegtay in Itoobiya ay tahay halka uu ka soo burqado Webiga Abay, isla markaana inta badan biyaha webigaasi ay ka yimaadaan dhulka sare ee Itoobiya.

 

Wasaaradda ayaa sheegtay in Itoobiya ay ku biiriso qiyaastii 85 boqolkiiba biyaha Webiga Abay, iyadoo ku adkaysatay in xaqiiqadan ay tahay in si dhab ah loo tixgeliyo marka laga hadlayo wada-xaajoodyada ku saabsan isticmaalka iyo maamulka biyaha webiga.

 

Itoobiya waxay sheegtay in mowqifkeeda ku aaddan biyaha Nile uu ku saleysan yahay xaqa ay u leedahay inay isticmaasho kheyraadkeeda dabiiciga ah, iyadoo sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka biyaha lagu xalliyo wada-hadal iyo iskaashi.

 

Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto xoojinta xiriirrada nabadeed, is-ixtiraamka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka, iyadoo Addis Ababa ay ku celisay inay taageersan tahay xasilloonida iyo iskaashiga Geeska Afrika.

 

Jawaabta Itoobiya ayaa kusoo beegmaysa xilli Masar, Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaan ay xoojinayaan wadashaqeyntooda, gaar ahaan arrimaha amniga Badda Cas, Bab al-Mandab, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo xaaladda gobolka.

 

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ayaa muddo dheer salka ku hayay isticmaalka biyaha Nile iyo Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD, iyadoo labada dal ay leeyihiin mowqifyo kala duwan oo ku saabsan maamulka iyo isticmaalka biyaha webiga.

 

Dhanka kale, Itoobiya ayaa sheegtay in iyadoo ay ilaalinayso danaha qarankeeda, ay weli diyaar u tahay xiriir ku dhisan nabad, is-ixtiraam iyo iskaashi gobolka ah.

 

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa mar kale ku celisay in dalka uu diyaar u yahay ilaalinta madax-bannaanidiisa, midnimada dhulkiisa iyo danaha qaranka ee muhiimka ah.