Wasiiru Dowlaha wasaarada Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xidig oo isagu ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ka Hadlay Xaalada ay ku sugan yihiin Dadka Barakacayaasha ah ee Xeryaha Ku jira mudo 20 sano ka badan ee Boqolkiiba 10 Soomaalida ah.
Waxaa sidoo kale xildhibaan xidig oo Hadalkiisa sii wata uu sheegay in dadka barakacayaasha ah kaliya aysan ubaahneen caawimaad la doonayana in ay kamid noqdaan bulshada iyadoo dhinaca kalena uu Carabaabay in deegaanadii ay ka yimaadeena loo celiyo wixii doonayana in ay bulshada kamid noqdaan kaamamka laga saaro.
Dhanka kalana wasiirka waxaa uu Tilmaamay in wasaarada arimaha gudaha hay ,adaha UN-ka Maamulka Gobolka Degmooyinka iyo Guud ahaan Dowladda oo iska shanaya in arintan laga wada shaqeeyo.
Hadalka Wasiiru Dowlaha wasaarada Arimaha Gudaha C/rashiid Xidig ayaa waxaa uu kusoo adaya xilli maalmihii udambeyay ay Xaalado nolol xuma ka cabanayeen Dadka Barakacayasha ah ee ku sugan xeryaha Dalalka Caalamka.


