Muqdisho-RisaalaFM- Maanta waxaa lagu Wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Kursi ka mid ah Kuraastii Doorashadiisu ka dhacday Magaalada Jowhar.
Kursigaan Maanta ay Doorashadiisa ka dhaceyso Muqdisho ayaa ka mid ahaa 5 Kursi oo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka horay u diideen Natiijadiisa Doorasho.
Kursigan oo ah Beesha Jidle, maanta waxaa ku tartamaya Musharaxiin gaaraysa lix Musharax sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka.
Musharaxiinta xilkaan u tartamaysa, ayaa waxaa ka mid ah Wasiir Nuux iyo ruuxii horay ula tartamay doorashadii shaqaaqada ka dhacday ee Jowhar lagu qabtay Axmed Sheekh Nuur.
Lixda Musharax ee xilkaan u taagan, ayaa labo ka mid ah waxa ay yihiin dumar hankooda uu yahay inay ku guuleystaan xilka Xildhibaanimo ee Beesha Jidle.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay ka hor doorashada Madaxweynaha dalka inay qorsheynayaan in la soo gaba gabeeyo Dooarashada Xubnaha ka harsan Golaha Shacabka.
Shantii Xildhibaan ee doorashadooda la amray in dib loogu noqdo, ayaa ilaa hada waxaa la doortay Saddex Xildhibaan oo doorashadooda ay ka kala dhacday magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Garowe.



