Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku qabanaya doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo ayaa diiwaangelin tooda shalay la soo geba-gabeeyay, kuwaas oo sida Guddigu sheegeen shuruudihii looga baahnaa soo buuxiyay, waxaana ay kala yihiin.
1: HOP#188 oo uu hadda ku fadhiyo Aadan Ibraahim Dhayow, waxaana ku tartami doona Cabdisamed Aadan isaaq & Maxamed Cabdi Maxamed.
2: HOP# 185 oo uu ku fadhiyo Cali Aadan Xuseen ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Nuur Maxamed iyo Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed.
3: HOP#175 oo uu ku fadhiyo Axmed Xaaji Maxamed Taaw, balse Maanta ay ku tartami doonaan Aadan Maxamed Ibraahim, iyo Cabdirishiid Nuur Jilley.
4: HOP#159 oo uu ku fadhiyo Xasan Ibraahim Maxamed ayaa waxaa Maanta ku tartamaya Maxamed Bare Maxamuud & Cabdullaahi Maxamed Isaaq.
5: HOP# 177 oo uu hadda ku fadhiyo Ibraahim Isaaq Yaroow balse laga reebay u tartamida kursigaas, waxaana Maanta ku tartami doonaan Maxamuud Abuukar Kheyre & Cabduqaadir Sheikh Cali Baraka.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda ah Maamulka doortay Xildhibaannada ugu badan ee Golaha Shacabka sidoo kalena shaaciyay kuraasta lagu dooranayo degaan doorashada labaad ee degmada Baraawe, waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda la qabanayo doorashada Golaha Shacabka.



