Doorashada guddoonka golaha Shacabka oo bilaabatay

Doorashada guddoonka Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa goordhow bilaabatay, waxaana hoolka ku sugan 240 Xildhibaan.

Gudoomiyaha Dhabancad ayaa sheegay in aysan codayn doonin 17 xildhibaan oo ku sugan hoolka ay ka dhacayso doorashada gudoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya sababo lixiriira sharciga.

Caawa ayaa lagu waddaa in la doorto Gudoomiyaha golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa.