Axaddii ayaa madaxa guddiga doorashooyinka dalkaasi waxa uu sheegay in doorashooyinka ay u badan tahay in la qaban doono bisha Diseembar 2018.
Madaxweyne Kabila ayaa beeniyey eedaymaha ah in dib u dhigidda doorashadu qayb ka tahay qorshe lagu doonayo inuu awoodda ku sii hayo marka ay dhammaato mudada uu haynta xilka u ogolyahay dastuurku oo ku xadidan laba goor.
Kabila oo ka hadlayey xarunta ganacsiga Tanzania ee Dar es Salaam, ayaa warfidiyeenka u sheegay in dowladdiisu dib u dhigtay doorashada si loo xaqiijiyo in dadka xaqa u leh inay codeeyaan ee dalkoo dhan ku sugani ay helaan wakhti ku filan oo ay isku diiwaan geliyaan si ay codkooda u dhiibtaan.
Wuxu sheegay in hadii doorashooyinku u qabsoomaan sida dastuurku dhigayo ay ilaa toban milyan oo qof oo aan la diiwaan gelin oo u badan dad da’yar ah aanay codkooda dhiiban karin doonin.
Madaxweyne Kabila wuxu Tanzania u tagay wadaxaajood ku saabsan in saliid laga baaraayo harada Tanganyika oo labada dal soohdin ka wadaagaan.


