daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa qiray inuu ku faraxsan yahay inuu fariisto kursiga keydka kooxdiisa, taasna ay ka dhigan tahay inuu ixtiraamayo oo kaliya go’aanka macalinkiisa Antonio Conte.
Ivanovic ayaa xubin muhim ah ka ah kooxda Blues xilli ciyaareedkan, waxaana uu ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxda lix ka mid ah todobadii kulan ee Premier League ugu horeysay.
Si kastaba ha ahaatee, ninka heerka caalami ee dalka Serbia ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac keentay in la fariisiyo keydka kulankii isbuucaan kooxdiisa 2-0 kaga badiyeen Hull.
Daafacaan 32-sano jirka ah ayaa qiray inuu aqbalyo waxkasta oo ay faa’iido ugu jirto kooxdiisa, islamarkaana uu aqbalayo go’aanka macalinkiisa.