DHAGEYSO: Xilliga la dooranaayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele oo lagu dhawaaqay

Xogyahay Joogtada ah ee Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Wasaarada arimaha gudaha ay ku dadaali doonto in 15 Bishaan in la doorto Madaxweynaha maamulka laga dhisaayo magaalada Jowhar ee loogu magacaabo Hirshabeele.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in howlaha maamulka ay marayaan in meel gabagaba ah , islamarkaana ay ansixiyeen Magacii maamulka, Calankii iyo sidoo kale Dastuurkii.

Pro Yaxye Cali Ibraahim oo ah xoghayaha joogtada ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dadka degan labada gobol ay u dhan yihiin maamulka laga dhisaayo Jowhar.

Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo sameyn ku yeeshay Shirka.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ku shirsan magaalada Baledweyne , waxaana ay sheegeen in ay dhisaanayaan maamul u gaar ah .