Qunsuliyadda Soomaaliya ee dalka Yemen ,Hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed iyo Hay’addo kale oo iskaashanaya ayaa suurtageliyay in ay soo daadgureeyaan dad badan oo Soomaaliyeed oo ay Saameeyeen dagaallada ka socda dalka Yemen.
Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan , oo loo yaqaano Axmed Suudaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dad badan in ay ka soo badbaadiyeen dagaalada dalka Yemen Gaar ahaan Magaalada Cadan.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay Wali Socoto daadgureeynta dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Cadan .
Waxaa uu sheegay in dooni ay soo saareen 140 qoys oo Soomaaliyeed ,maanta Gelinka dambana ay soo gaari doonaan Magaalada Berbera.
Dadkaan ayaa badankood waxa ay kasoo jeedeen Koonfurta Soomaaliya , waxaana diyaarad looga soo qaadi doona Magaalada Berbera,iyadoona lasoo gaarsiin doono Muqdisho.
Tan iyo markii dagaalada ay ka bilowdeen dalka Yemen , waxaa socday dadaalo kala duwan oo lagu soo daad guraynaayo dadka ay dhibaato ku heysato Magaalooyinka ay dagaalladu ka socdaan ee dalka Yemen.




