Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku degtay dooni Ganacsi oo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.
Doonida ku Degtay Xeebaha Magaalada Boosaaso ayaa lagu Magaacaabi jiray Alkhaadiri Waxaana ay kaTimid Dalka Cumaan iyadoo Shixnad Ganacsi u Siday ganacsato Soomaaliyeed.
Sida ay Risaala u sheegeen dadka kunool Boosaaso Doonida ayaa ku degtay Qiyaastii meel 14 Mile uun u jirta Dekada Magaalada Boosaaso.
7 Qof ayaa laga soo badbaadiyay doonidaasi.
7-da Qof ee laga oo badbaadiyay Badda ayaa waxaa soo Helay Kallumeysato Ku suganeyd Xeebaha Magaalada Boosaaso iyadoo Qaar ka mid ah Xaaladoodu aad u Liidato Waxaana Lagula tacaalaya Isbitaalka Magaaalada Boosaaso.
Ciidanka Badda ayaa sidoo kale Baadigoobaya Shan qof oo wali lagu la’yahay badda.
Dadka lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jira dad u dhashay dalka Hindiya.


