Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka jira mashquul aad u fara badan, maadaama todobaadka soo aadan bilowgiisa ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.
Dooda Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay C/laahi Maxamed Cadow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashada.
Wuxuu sheegay C/laahi Maxamed Cadow Musharax walba in la siin doono waqti ku filan oo shacabka halkaasi ku sugan ay ugu soo bandhigayaan waxyaabaha ay qabanayaan.
Jowhar ayaa hada waxaa ku sii qul qulaya masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo doonaya in ay goobjoog u noqdaan Doorashada.
16-ka bishan ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, oo ay u taagan yihiin ilaa Sideed musharax.


