Diyaarado sida Ciidamo iyo hub oo ka degay Magalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay Garoonka Diyaaradaha Magaladaasi ay ka dageen Diyaarado sida Ciidan,hub farabadan iyo Gaadiidka Gaashaaman,kuwaas oo ka baxay Magalada Muqdisho.

Diyaaradahaas oo gaaraya ilaa Shan ayaa waxaa sida la sheegay ay sidaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Saanad Ciidan, iyada oo Ciidamadaas ay dirtay Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku howlan dhismaha Maamulka Galmudug.

Maalmo kahor Dhuusamareeb waxaa tagay diyaarado hub iyo ciidan siday kuwaas oo la wareegay garoonka Diyaaradaha, Madaxtooyada iyo xarunta la filayo in uu ka qabsoomo Shirka dib u heshiisiinta  ee Magalada Dhuusamareeb.

Ciidamadaan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee saakay la geeyay Magalada Dhuusamareeb oo ah qeybtii labaad ayaa waxaa ay daba socdaan xilli shalay Magaalada Dhuusamareeb laga soo qaaday Ciidamo ka tirsanaa Booliska Ahlusunna,kuwaas oo la sheegay in Muqdisho tababar lagu siinayo.

Magalada Dhuusamareeb xaaladeeda ayaa ka duwan sida ay aheyd dhowr bilood ka hor,waxaana la filayaa in dhawaan uu ka dhaco shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Maamulka Galmudug.