Diyaarado dagaal oo duqeymo ka geystay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay goobo ay ku sugnaayeen ururka Al-shabaab ay duqeeyeen diyaarado dagaal.

Waxaana wararka ay sheegayaan in duqeyntaasi ay geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in tiro ka mid ah Al-shabaab halkaasi lagu duqeeyay.

Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Yoontoy oo 25km dhinca waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbadda Hoose.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntan ay ka dhacday saldhig ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Yoontoy ee gobalka Jubbada Hoose.

Afhayeen uhadlay Pentagon-ka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ay duqeeyeen laba goobood oo ay u sugnaayeen Al-Shabaab Isniintii iyo Talaadada maanta.

Duqaymahan ayaa yimid iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay diyaarado dagaal oo iskugu jira kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha wadin (Drone) ay duqaymo is daba-joog ah ka gaysanayeen deegaannada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.