Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas.

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Duqaymaha ayaa lala eegtay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayay aagagga degmada Maxaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxaa jiro khasaare xooggan oo gaaray maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo wararku ay sheegayaan in weerarku uu ahaa mid xoogan oo si toos ah u beegsanayay dagaalameyaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan degmada.

Gobolka Hiiraan ayaa ka socda Guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, kaasi oo la doonayo in looga saara deegaanada ay ku sugan yihiin.