Labo diyaaradood oo Shiinaha laga leeyahay oo noocoodu yihiin Su-30 ayaa carqaladayn ay “xirfad darro” ka muuqato u gaystay diyaarad uu Maraykanku leeyahay, sida uu sheegay milatariga Maraykanku.
Diyaaradda Maraykanka laga leeyahay ee nooceedu yahay WS-135 ayaa ku guda jirtay hawlgal ay ku arruurinaysay macluumaad ku saabsan wasakhawga hawada iyada oo maraysay hawada caalamiga ah ee ka koraysa badda bariga Shiinaha.
Mid ka mid ah diyaaradaha Shiinaha ayaa 45 mitir u soo jirsatay diyaadda Maraykanka, sida saraakiil Maraykan ah ka soo xigatay warbaahinta CNN.
Shakiga Shiinaha ee ku aadan dhaqdhaqaaqyada uu Maraykanku ka wado biyaha caalamiga ah ee macdantu ka buuxdo ayaa horseeday dareen soo kala dhexgalay labada dal.
Lori Hodge oo ah afhayeen u hadlay ciidammada cirka ayaa sheegay in arrintan kala hadleen Shiinaha iyaga oo u sii mariyay habab munaasab ah oo ka mid yihiin kuwo dublamaasiyadeed iyo kuwo milatari.