Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo lagu eedeeyay in ay dileen dad Shacab ah

Diyaaradaha Dagaalka Dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in ay dileen dad Shacab ka dib duqeyn ay ka geysteen dalka Ciraaq.

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Ciraaq ayaa Warbaahinta u sheegay in Diyaaradaha dagaalka dalka Sacuudiga ay beegsadeen goobo ay joogeen dad Shacab ah.

Sarkaalkaasi ayaa u sheegay telefishinka Aljazeera in dowladda Mareykanka laga doonaayo in ay ka jawaabto dilkaasi loo geystay Shacabka.

Dadka ay beegsadeen diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa la sheegay in joogeen Magaalada Mosil ee dalka Ciraaq, ayna u badnaayeen Carruur iyo sidoo kale Haween.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyaa in ay Xasuuqaan dadka Shacabka ah.

Majiro Wax war ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka oo ku aadan eedeyntaasi ka timid dowladda Ciraaq.