DHAGEYSO: R/wasaaraha “Wax qabad wanaagsan ayaan la imaan doonaa”

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa sheegay in xukuumaddiisa cusub ay la imaan doonto wax qabad wanaagsan oo dhab ah.

Waxa uu sheegay xukuumadda cusub gaar ahaan Golaha Wasiirada in berri ay yeelan doonaan kulan looga hadlayo arrimaha Abaaraha iyo Amniga.

Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay waxyaabaha ugu horeeya ee xukuumaddiisa ay qaban doonto in ay tahay sidii shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan wax loogu qaban lahaa.

Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada cusub ayaa sheegay in ay ka sugayaan wax qabad wanaagsan iyo sidii dalka looga bixin lahaa xaaladaha dhanka Abaaraha iyo mida amni ee dalka ka jira.