Sidda ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Garoonka Magaalada Boosaaso ciidamada Booliska Puntland ee ka howlgalla Garoonka ayaa xanibay diyaarad ay saarnaayeen Saraakiil u dhalay dowladda Imaaraadka Carabta.
Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay xanibeen diyaaradaan oo ay wateen tababarayaasha ciidamada Imaaraadka kadib markii ay diideen in la baaro diyaarada oo la sheegay inay wado boorsooyin waaweyn.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa ka biya diiday in alaabta baaritaan la’aan marto garoonka,iyadoo dhinaca kale saraakiisha ciidamada Imaaraadka ay ku adkeysteen inaan la baareyn oo ay alaabta gudbeyso.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya garoonka ayaa waxa ay sheegayaan in wali diyaaradii ay ku xaniban tahay garoonka Boosaaso.
Ciidamada Ammaanka ayaa Dhawaan gacanta ku dhigay lacag dhan 9.6 Milyan oo doolarka Mareykanka oo Imaaraadka ay wateen laguna qabtay Garoonka Aadan Cadde, inkastoo Imaaraadka ay sheegeen inay aheyd lacag loo waday Ciidamada Imaaraadka ay tababaraan.



