Diyaar garow xoog leh oo ka socda Laascaanood xili uu maanta tagayo R/Wasaare Xamsa.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ahna Magaala-madaxda maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxaa saaka ka socda diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Amniga guud ee deegaanada SSC ayaa si weyn loo adkeeyay, ayadoo waddooyinka iyo fagaareyaasha magaalada Laascaanood lagu xardhay sawirka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo calanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay Laascaanood ayaa sheegaya in la filayo in saacadaha soo socda uu magaaladaas gaaro wefdiga Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Masuuliyiinta Maamulka SSC-Khaatumo, waxgaradka, iyo guud ahaan bulshada deegaanka ayaa taagan wadooyinka, kuwaasi oo u diyaarsan soo dhaweynta wafdiga R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Bari.

Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynayo wafdiga R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu ku tagayo magaaladaasi.