Dil saakay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya suuqa Siinaay ee Degmada Warta-nabadda ayaa waxa ay sheegayaan in saakay aroortii halkaasi uu ka dhacay dil.

Dilkan oo ay fuliyeen koox hubeysan ayaa waxaa loo geystay C/laahi Gacma Gaab oo la sheegay in uu ka mid ahaa ilaalada suuqa Siinaay ee Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Dadka Degaanka warbaahinta Risaala ee Magaalada Muqdisho waxa ay u sheegeen in kooxo hubeysan ay Rasaas qeybta sare ee jirkiisa ka huwiyeen C/laahi Gacma Gaab, kadibna halkaasi ay isaga baxsadeen.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka C/laahi Gacma gaab, balse dadka waxa ay leeyihiin dhawr mar ayaa loo hanjabay.

Saraakiisha ammaanka Degmada Wardhiigley, weli kama aysan hadlin falkaan dilka ah ee saakay aroortii ka dhacay Degmadaasi.