DHAGEYSO: Somaliland “Ma jirto cid lagala baxay xubnaha jirka”

Hargeysa-RisaalaFM- Degaanada Somaliland maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u xoogeystay wararka la xiriira in dad u badan Dhalinayro iyo Haween laga Afduubto Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Dadka la Afduubto ayaa la sheegay in lagala baxo xubnaha ugu muhiimsan ee jirkooda, gaar ahaan xubnaha uur ku jirta, waxaana arrintaasi ay dhalisay cabsi fara badan oo soo wajahday dadka ku nool Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Waxax xigtay baraha bulshada in la soo dhigo Muuqaalo iyo Sawirro, kuwaasi oo ay ka dhex muuqanayaan xubnaha jirka, sida Beerka iyo Kilyaha, oo la sheegay in ay yihiin xubno dadeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo markii ugu horeysay arrintan ka hadlay ayaa beeniyay wararkaasi sheegaya in dad lagu Afduubtay Degaanada Somaliland xubnahaasi lagala baxay.

C/laahi Fadal Iimaan Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa qiray in mararka qaar Degaanada Somaliland uu ka dhaco Afduub, gaar ahaan Magaalada Hargeysa.