Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay sharciga la tiigsan doonto dadka taageera kooxaha ka dagaalama Soomaaliya.
Mudane Khayre ayaa tilmaamay marnaba in uusan sharciga cafin doonin qof taageera dhinac kasta u fidiya koox ka tirsan kuwa ka dagaalama Soomaaliya sida hadalka uu u dhigay.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay mudnaan gaar ah siin doonaan ka guul gaarista xasiloonida guud ee dalka, si hormaro loo gaaro.
Xukuumadda cusub oo dejisay qoershe Howleedyo ay ku Howlgali doonaan Wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa waxa ay sugeysaa keliya ahmiyadaha ugu kala horeeya in ay siiso Amniga iyo Abaaraha.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, isagoo ka dalbaday wada shaqeyn dhex Marta labada Hay’adood ee fulinta iyo sharci dajinta.


