Muqdisho-RisaalaFM- Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis waxa ay yeelan doonaa kulankoodii ugu horeeyay oo ay kaga hadlayaan shaqooyinkooda ugu muhiimsan.
Kulanka oo la filayo in uu ka dhaco xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa wararka ay heleyso Idaacadda Risaala waxa ay sheegayaan in kulanka si gaar ah diirada loogu saari doono arrimaha Amniga iyo Abaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Dowladda in muhiimada koowaad ay siin doonto arrimaha Amniga oo ay tahay in wax laga qabto xaalada amni daro ee hada dalka ka taagan.
Sidoo kale Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa sheegay Dowladda ahmiyad weyn in ay siin doonto sidii loogu gurman lahaa bulshada ay saameysay Abaaraha dalka ka jira.
Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaare Khayre kulanka maanta ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Soomaaliya in looga hadli doono labadaasi qodob.


