
Kooxo la sheegay inay Burcad ahaayeen ayaa xalay waxaa Xaafadda Nageyle oo katirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir kudileen Macalin Dugis Qur’aan oo aad looga yaqaanay degmadaas.
Macalinka oo lagu Magacaabi jiray Nuur Maxamed Jimcaale ayaa ahaa Macalin Dugsi kitaabadana ka aqrin jiray Masjid ku yaalo Waaxda Nageyle, waxaana raggii dilay ay ka qaateen taleefoonkiisii.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka ay ka dambeeyeen laba Nin oo ku hubeysnaa Qoryaha AK47 xilli uu masaajiidka kasoo baxay, iyaga oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, kaas oo ay ka dambeeyaan Kooxo Burcad ah oo ku hubeysan, qoryaha AK47, Bustoolad ama Tooreey intaba, iyada oo laamaha Amniga ay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan.



