Kooxo hubeysan ayaa Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir Gobolkan Banaadir waxaa ay galabta kudileen Sarkaal katirsanaa Ciidamada booliska Soomaaliya, kaas oo caan ka ahaa Xaafada Nasteexo iyo inta badan Xaafadaha degmadaasi Wadajir
Sarkaalka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Xalane ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Goob faramashiye ah oo uu waxka gadanayay, waxaana la sheegay in raga hubeysnaa ay dhowr xabadood madaxa uga dhufteen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Ragga hubeysnaa oo watay Mooto bajaaj ay dilka kadib goobta ka baxsadeen, isla markaana ay horay u sii qaateen Qoray AK47 ah oo uu watay Sarkaalka ay dileen.
Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Sarkaalka, waxaana ay sameeyeen howlgal baaritaano ah wallow aysan dad u qaban dilkaas.



